SHARE

x yaali hii laga dhaxlay dagaaladi sokeeyo oo ay qabyalada kow katahay(qabiil)

soomaaliya masuul badanaa

magac dowlo badanaa

maamul goboleedyo badanaa

madaxweynayaal badanaa

macno xumo badanaa

muwaafaq darro badanaa

xaajo murugsan badanaa

qabiil muransan badanaa

musuq maasuq badanaa

maal xaaraan ah cun badanaa

dad is maagay badanaa

maciin daro badanaa mooryaan waalan badanaa

ruux maldahan badanaa

maan doorsan badanaa

madiidin gaalo badanaa

qof masaar liqay badanaa

wadaad mufsida ah badanaa

diin maroorin badanaa

marin habaabin badanaa

mujaahid been ah badanaa

anaa mudiir ah badanaa

alla mushkilad badanaa

dadku macnayaal badanaa

mawjad kacsan badanaa

miino qaraxda badanaa

maanyo moorta badanaa

marain gooyo badanaa

meeshu qaylo badanaa

madaxdu dhoof badanaa

waa lay macsuumey badanaa

meelo aad aad badanaa

martiqaad shisheeye badanaa

ragu maqnaansho badanaa

midnimo diid badanaa

mus lagalo badanaa

waa nala maagay badanaa

miig baa nalaayey badanaa

astaan mariida badanaa

maantaan xorownay badanaa

muran iyo qaylo badanaa

bulshadu masayr badanaa

madaxdu cuqdad badanaa

muddac iyo qaylo badanaa

anagaa mudnayn badanaa

waana la garab maray badanaa mar marsiiyo baas badanaa

reer magaalku xasarad badanaa

magaalo qaybsan badanaa

maayaradu fara badanaa nin is magacaabay badanaa

mid kaloo ku haysta badanaa

alla dadku maag badanaa

dal isku qabsigu badanaa

anaa maqoorsaday badanaa

waan maali jiray badanaa

magli xanaf leh badanaa

gaal maqiiqan badana

amxaar muraad leh badanaa

kiinyaati madaxweyn badanaa amisoom murmeysa badanaa

soomaali mayd ah badanaa

 

soomaaliya maal badanaa xoolo miyi badanaa geel mawjad ah badanaa

lo lamaalo badanaa

mooro ari ah badanaa

hadana macaluul badanaa

maanyo buuxda badanaa

webi ma’wi ah badanaa

mallay bilaash ah badanaa

ceel macaan badanaa

dhasheeg meersan badanaa

baar dheere masago badanaa

afgoowe muus badanaa

babaay miiran badana

bariirka mugeembo badanaa

mareerey sonkor badanaa

dalkuna macaluul badanaa

baddeenu dherer badanaa

maraakiib shisheeye badanaa

tuug mulfinaaya badanaa

mooryaan badeed badanaa

halaq mareen badana

alla meeshu muran badanaa

 

Qofka gabaygan akhriya qosol badanaa

kan qoray yaab badanaa

gabayguna xikmad badanaa

 

Gabaygan waxa curiyay: maxamuud c/shukuur xaaji mire

waxaa na qoray anigo ah: cilmi siciid jaamac

mudane/marwo hadii aad haysid maclumaad kan o kale ah ama aad u baahan tahay nala so xiriir +252907557918