GEEDDI JACAYL IYO GODOBTII QARSOONEYD! QEYBTII 5AAD.

GEEDDI JACAYL IYO GODOBTII QARSOONEYD! QEYBTII 5AAD.

215
0
SHARE

Ayaanle oo maalmahan is dhiiri-gelinta aan lagu hawl-gelin kucaan-baxay ayaa

hadalkii saaxiibkii ka biyo diiday isagoo yiri, bal markan igu daa waa kama

dambeystiiye, siciid oo jeclaa in arrinta ayaanle dhan ubadato walina wada

 

dhiiri-gelintii uu maalmahanba la daba taagnaa ayaa yiri,

gabadha bilan ah waa qof ilaah dabeecad ku manneystay dad la dhaqankeeduna uu aad

uwanaagsanyahay waad is barateen oo ma aha qof kugu cusub mana ogi sabab kaa

hortaagan inaad udan sheegato.

ayaanle ayaa hdalkii qaatay oo yiri saaxiis waa runtaa bilan aqoon xoogaa ah ayaan

isu leenahay walow ay tahay mid aan sidaa usii fogeyn taasoo ku koobneyd iskuulka,

markan waa igu ballan inaan fuliyaa qorshaha aan damacsanahay wixii aan kala-kulmaba.

ayaanle oo markan laabta ku sita go’aan kama dambeys ah ayaa maalin xusuus mudan

markii uu kasoo baxay oo ay udhamaadeen xisadihii iskuulku waxa uu si lama filaan ah

meel fog uga arkay bilan oo gaari uga dageysa barxadda sayidka ma sugtaa mise waad

kadhuumataa ayuuna ku tallamay, ugu dambeyntiina dhankii bilan kasoo socatay ayuu

udhaqaaqay.

bilan markii ay aragtay ayaanle oo dhankeeda kusoo jeeda ayay intii aanu soo gaarin

ka hor-geysay erayadan;- ayaanle ahaa oo lawaayey waayadan xaaladdaada kawarran?

ayaanle oo ay hareeyeen farxad iyo naxdin iswata ayaa ku jawaabay

bilaneey abbaayo xaaladdeydu wey wanaagsantahay, waayadan mashquulkeygaa badnaa

waana kaxumahay in aan xiriirin waayo asxaabtii aan fasalka wada dhigan jirnay ee

aad adiguba kamidka tahay.

bilan ayaa tiri ayaanloow waan kaxumahay arrika kugu dhacay waxaana kuu rajeynayaa

inaad ka guul gaarto xilliyada soo socda.

intaa kadib bilan waxay ayaanle uga cudur-daaratay in ay sheekadu intaa kabadan sii

socon karin maadaama ay xisadihii billaabanayaan qadar daqiiqado ah kadib,

ayaanle si fudud ayuu uga ogolaaday waxa uuna udaba dhigay inuu doonayo kulan fadhi

ah oo ay yeeshaan.

bilan hadalkaa dambe uma aanu dhadhamin balse qadarin ay ku qadarineysey aqoonta

gaaban ee ay ulahayd inanka ayey ku ogolaatay waxayna ku tiri (intee ayaanu ku

kulannaa oo aad jeceshahay?)

ayaanle oo hadalkaa u arkay fursad qaali ah ayaa durbadiiba lasoo booday habeen

dambe siddeedda fiidnimo iyo=baar bakiin=haddii aad awooddo oo aad firaaqo leedahay,

bilan waxay ayaanle ugu bishaareysay inuu arritaa ka wel-wel la’aado isaguna aad

ayuu uga mahad celiyey ogolaashaha uu ka helay bilan.

ayaanle oo aad ugu faraxsan guusha yar ee uu ka gaaray gogol-dhigga kulan uu la

yeesho bilan ayaa maalintaa dib ugu laabtay hoygiisii.

bilan waxay isweydiisay waxa uu noqon karo hadana wax jawaab ah ayey u weyday

su’aashaa waxayna isku qancisay ( la arki doonee oo la isu joogee).

ayaanle waxa uu habeenkaa badankii ku hawlanaa xulashada labbiskii uu lashir-tegi

lahaa habeen dambe………. waa socataa

……

Kala soco qeybta 6aad insha allaah