SHARE

Guddoomiyaha iyo Golaha Guurtida degmada Warshiikh oo wakiilka ICRC ee Shabeeladda Dhexe ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo colaad hurin.

Guddoomiyaha Degmadda Warshiikh, Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo saxaafadda kula hadlay xarunta degmadaasi ayaa ku eedeeyay wakiilka hay’adda ICRC ee gobalka Sh/Dhexe, Nuur Maxamed Cali oo loo yaqaano Nuur Doob inuu tuulooyin ka tirsan degmadaasi uu ka wado olole uu ku doonayo inuu isaga hor keeno shacabka, kadib markii uu tuulooyin aaney ku sugneyn dad barakacayaal ah uu ka diiwaangeliyay dad uu sheegay iney u qeybin doonaan gargaar ay bixineyso ICRC-da, isagoo aan kala

tashan maamulka degmadda halka ku haboon ee ay ku sugan yihiin barakacayaasha u dhibaateysan in la gaarsiiyo gargaarka ay bixineyso ICRC-da, “Gurmadka gar-gaar ee ICRC aad ayaanu ugu baahi qabnaa, balse Wakiilkooda Gobalkan, Nuur Maxamed Cali (Nuur Doob) waxa uu ka weecday

hadafka ICRC ee aheyd dhexdhexaadnimo si aaney colaad uga dhex abuurin

dadka ay gargaarayaan, wuxuuna wakiilkoodu faraha kula jiraa inuu

colaad cusub kusoo kordhiyo deegaanada Warshiikh marka uu dadkii u

baahnaa gargaarkaasi uu ka siiyo kuwo uu jeebkiisa ka qortay” ayuu

yiri Guddoomiyaha Warshiikh, Axmed Xuseen Shiidka.

“Waxaan ognahay in Wakiilka ICRC, Nuur Doob uu u sheegay dadka uu

jeebkiisa ka qortay ee uu u balanqaaday gargaarka raashin ee ICRC

bixineyso inuu siin doono hub iyo maleeshiyo ay isku difaacaan” ayuu

sidoo kale yiri Guddoomiyaha degmadda Warshiikh oo ka digay in

Wakiilka ICRC, Nuur Doob uu qaadi doono mas’uuliyada dhibaatada uu

dadka ka dhex abuurayo, wuxuuna xusay in maamulka degmada ay si isdaba

joog ah  usoo gaarayaan cabashooyinka shacabkii u baahnaa gargaarka ee

la doonayo in xaqoodii laga musuqmaasuqo si colaad looga dhex abuuro

dadka wallaalaha ah, islamarkaana uu Nuur Doob ku doonayo inuu ku

gaaro ujeedooyinka siyaasadeed oo uu ka leeyahay arrintan.

Ugu dambeyntiina, Wuxuu Guddoomiyaha Degmadda Warshiikh  ka codsaday

Madaxda ICRC ee fadhigoodu yahay Nairobi-Kenya iney degmada Warshiikh

usoo dirsadaan wafdi xaqiiqo raadis ah, si looga baaqsado dhibaatada

uu maleegayo wakilkooda Gobalka Sh/Dhexe, Nuur Maxamed Cali (Nuur

Doob).

Dhanka kalena, xubnaha Golaha Guurtida degmada warshiikh  ayaa ku

eedeeyeen Hay’adda ICRC iney ku xadgudubtay xeerka xalinta

Khilaafaadka ee Golaha guurtida degmadaasi oo si cad u sheegaya in

hay’addii lagu helo iney wado howlo dhibaato u keenaya bulshada iyo

deegaanka laga joojinayo shaqadooda.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Degmada Warshiikh, Muude Cumar Maxamed

iyo Maxamed Xuseen Maxamuud (Qaloori) oo ka tirsan guddiga fulinta ee

Golahaasi oo saxaafadda la hadleen ayaa sheegeen in ICRC jawaab cad ka

bixiso iney la og yihiin  wakiilkooda gobalka Sh/Dhexe, Nuur Maxamed

Cali (Nuur Doob) falalka iska hor keenka bulsho ee uu magaca ICRC u

adeegsanayo “Isaga oo aan maamulka degmada iyo odayaasha midna kala

tashan mashaariicda samafal iyo deegaanada ay baahidu ka jirto, ayuu

Nuur Doob hadba cidduu doono u sheegtaa inuu gargaar uga sido ICRC-da,

islamarkaana uu u dhaqmayo sida qab-qable dagaal oo doonaya inuu

mashaariicda ICRC uga faa’iideysto dano shaqsiyadeed” ayuu yiri Muude

Cumar Maxamed, Guddoomiyaha Golaha Guurtida.

“Ma garan karno ujeedada cadaawada heerkaas la eg ee uu Nuur Doob u

qabo dadka reer Warshiikh, laga yaabee iney maskaxdiisa ka dhex

guuxeyso inuu deegaanada beeshiisa u wareejiyo gargaar ay ICRC-du u

qorsheysay dadka kasoo barakacay dagaaladii deegaanka Burdheere,

islamarkaana uu abuurayo colaad iyo ammaan-daro aan hadda ka jirin

degmada si uu marmarsiimo ugu helo arrintaasi” ayuu hadalkiisa

raaciyay guddoomiya Golaha guurtida.

Sidoo kalena, Maxamed Xuseen Maxamuud (Qaloori) oo ka tirsan guddiga

fulinta ee Golahaasi ayaa sheegay in shacabka degmada Warshiikh ay aad

usoo dhoweynayaan shaqada samafal ee hay’addaha ka howlgala

degmadaasi, balse aaney marna ogolaan doonin hay’ad siyaasadeyneysa

gargaarka samafal, islamarkaana colaad dhex dhigeysa dadka deegaanada

Warshiikh sida uu haatan magacooda ugu adeegsanayo wakiilkooda Nuur

Doob “Haddii aaney madaxdoodu jawaab ka bixin, waxaan u qaadaneynaa

iney madaxdoodu raali kaga tahay” ayuu yiri Maxamed Xuseen Qaloori oo

xusay iney hayaan dhamaan qaladaadkii uu ku kacay Nuur Doob markii uu

dhowaan safar aaney cidna la ogeyn uu ku tegay meelo ka tirsan degmada

Warshiikh.