SHARE

Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta Gaari weeraray agagaarka Suuq Liif oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobollka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

 

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo gaari watay ay ku hor jareen gaariga kale, iyagoo ka dibna rasaas ooda kaga qaaday dadka la socday gaarigan.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaarigan uu saarnaa kuna dhaawacmay aabaha dhalay Wasiirka Caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud kaasoo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Catoosh.

 

Catoosh ayaa la sheegay inuu saaka ka yimid dalka Canada, waxaana Garoonka Aadan cadde looga soo qaaday Gaariga Wasiirka Caafimaadka Galmudug Naciimo Catoosh.

 

Dhaawaca Maxamed Maxamuud Catoosh ayaa hadda lagu Dabiibayaa mid kamida Goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho, darawalkii gaariga waday ayaa la sheegay inuu geeriyooday.

 

Waa weerarkii labaad noociisa ee 24 saac gudahood ka dhaca Muqdisho, shalay ayeyna aheyd markii degmada Dharkeynley sidan oo kale lagu weeraray Gaari uu lahaa Guddoomiye Ku-xigeenka degmadaasi C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey).