KULANKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MAANTA XIISO GAAR AH LEH.

KULANKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MAANTA XIISO GAAR AH LEH.

49
0
SHARE

Waxaa saakay lagu wadaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay fasax ku maqnaa.

 

Kulanka maanta ku balansan yihiin Xildhibaanada ayaa ajandayaasha horyaala xildhibaanada ka doodi doonaan waxaa kamid ah arinta C/Kariin Qalbi Dhagax oo dowlada Soomaaliya dhawaan ku wareejisay dowlada Itoobiya.

 

Xildhibaanada ayaa ka doodi doonaa sharciyada dowlada Soomaaliya ku dhiibtay Sargaalkan katirsanaa ONLF , waxaana la filayaa in Xildhibaanada labo garab noqdaan kuwa difaaca tilaabada dowlada ku dhiibtay Qalbi Dhagax iyo kuwa kasoo horjeesta.

 

Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowlada Soomaaliya qiilna ka dhiganaya qaladka dowladu ku gashay dhiibista C/Kariin Qalbi Dhagax ayaa la filayaa in dooda kaga faa’iideestaan fursadan soo martay ay dowlada ku weerari karaan.

 

 

Waxaa sidoo kale jira shaki ku aadan in uuba baaqdo kulanka Xildhibaanada ku balan san yihiin uuna buuxsami waayo kooramka uu kulanka ku furmi kario, Xildhibaanada Xukuumada tagaeersan ayeyna suurto gal tahay in kulanka ka baaqdaan si ay u fashiliyaan ajandahan oo mid kulul ah.

 

Xildhibaano u badan kuwa mucaarad ku ahaa Xukuumada hada jirta ayaa markan fursad ka dhiganaya in ay difaacayaan muwaadin Soomaaliyeed oo lagu wareejiyay dowlada Itoobiya, waxaana xildhibaanada ku jira kuwa horey Siyaasada Itoobiya u taageesanaa gacan saarna la lahaa.