MADAX HORE, XILDHIBAANO IYO WASIIRO DEGANAA XEYDAABKA XARUNTA MADAXTOOYADDA SOMALIA AYAA CAAWA...

MADAX HORE, XILDHIBAANO IYO WASIIRO DEGANAA XEYDAABKA XARUNTA MADAXTOOYADDA SOMALIA AYAA CAAWA LAGA JARAY ADEEGYADII ASAASIGA AHAA SIDA KORONTA IYO BIYAHA.

54
0
SHARE

Tallaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii ay dhammaatay muddo labaad oo loogu daray si ay uga guuraan halkaasi, ayna diideen inay ka guuraan Villa Somalia, iyadoo mudadii hore ay dalbadeen inay waqti loo kordhiyo, sida ku cad qoraal kasoo baxay agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji

Mas’uuliyiinta degan Madaxtooyada ayaa caawa uga qaxay dhismooyinkoodii Mugdi markii laga jaray korontadii oo ay ka heli jireen Madaxtooyada. Amarka ka guuritaanka madaxtooyada ayaa ku ekaa 22 Ogost, waxaana lagu daray laba toddobaad kale oo maanta ku ekeyd.

Masuuliyiinta degan madaxtooyada waxaa ka mida madax hore xilal u soo qabtay, xildhibaano iyo shaqsiyaad kale, waxaana ka mida:

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise & wasiir hore

Xildhibaan C/wahaab Ugaas Khaliif &  Wasiir hore

C/samad Macalin Maxamuud xildhibaan &  Wasiirkii hore

Cabdi Aadan Diiriye: La Taliyaha Raiisul Wasaaraha.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre  Wasiirkii hore

Xaawo Xasan Maxamed: Wasiir hore

Maxamad Xasan Aadan: Wasiir Hore

Cali Xareed: Wasiir hore

Macalin Maxamuud: Hogaamiyaha ruuxiga Ahlusunna.

Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf: Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare

Samiiro Ibraahim Cumar: Xildhibaan ahna Wasiir Ku Xigeen.

Col Axmad Cumar Jees: Sarkaal hore oo Milatari ah.

Sahro Maxamed Cali Samatar: Wasiir Hore.

Maxamad C/laahi: Kaaliyaha Madaxwaynaha

Axmad Caynte: Madaxa ACU (Aid Co-coordinator Unit).