SARGAAL KATIRSANAA CIIDANKA DOWLADA OO QAAB SHIRQOOL AH LOOGU DILAY MUQDISHO.

SARGAAL KATIRSANAA CIIDANKA DOWLADA OO QAAB SHIRQOOL AH LOOGU DILAY MUQDISHO.

118
0
SHARE

Sargaal katirsanaa Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee Degmada Dayniile , waxaana dilka sargaalkan la sheegay in ay ka dambeeyeen sadex oo qaraabo la ahaa.

 

Sida aan Wararka ku helnay sargaalka la dilay ayaa lagu magaacabayay Cumar Khadar Xasan, waxaana dilka sargaalkan fuliyay sadex nin ay qaraabo ahaayeen kuwaa oo si shirqool ah u geeyay goobta ay ku dileen.

 

Ehelada Sargaalka la dilay ayaa shgeegay in sadex nin oo qaraabo la ahaa Cumar Khadar ay soo waceen una sheegeen in beec ugu hayaan gaari uu lahaa, waxaana shalay galab ilaa xalay wada joogay sargaalka la dilay iyo raga dilka fuliyay.

 

Sargaalkan ayaa ugu dambeyn xalay abaaro salaadii Cishaha waxa ay ragan uu la joogay ku dhax dileen gaarigiisa, waxa ayna horey uga sii qaateen biskoolad uu watay iyo gaarigii uu lahaa sargaalka.

 

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka xalay loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidanka dowlada, waxa ayna Sheegeen Shabaab in Cumar Khadar uu ahaa Taliyaha Nabad sugida Degmada Kaxda iyo Deegaanka KM-13.