SHARE

Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan ay gaalkacyo ku gaareen labada maamul ee galmudug iyo puntlna kuna aadanaa xaalada nabadgalyo ee gobalka mudug

Shacabka gaalkacyo ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay heshiiska dhexmaray labada dhinac ayagoo intooda badan mid aan waxba soo kordhinayn ku tilmaamay warqado la kala saxiixdo iyo shirar waqti badan lagu baxsho balse loo baahan yahay ficil ku aadan ka shaqaynta nabada gobalka mudug

 

Halka qaar ka mid ah shacabka gaalkacyana ay soo dhaweeyeen heshiiska dhexmaray galmudug iyo puntland ayagoo ku baaqay in laga dhabeeyo qodobadii lagu heshiiyay lana dhaqan galiyo