WAR DEG DEG AH: KOOXDA ALSHABAB OO LAWAREEGTAY DEGMADA BALAD XAAWO EE...

WAR DEG DEG AH: KOOXDA ALSHABAB OO LAWAREEGTAY DEGMADA BALAD XAAWO EE XADKA KENYA.

31
0
SHARE

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa saakay weerar culus ku qaaday Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo ay degmada isaga baxeen Ciidamadii Maamulka Jubbaland ee ku sugnaa.

Xoogaga Shabaabka oo hubka waaweyn ku hubeysnaa, ayaa iska caabin kala kulmay Ciidamada Jubbaland ee xerada ciidan ku leh dhinaca bariga ee Degmada Beled Xaawo, iyadoo la soo sheegayo in muddo kooban ka dib, ay u suurta-gashay inay kala wareegan xeradaasi.

 

Shabaabka oo dardar ku socday, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gudaha u soo galeen degmada, isla-markaana ay la wareegeen Xarunta Maamulka iyo Saldhiga Booliska.

 

Nin ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri “Ciidamada Al Shabaab oo aad u fara-badan, ayaa saakay dhinaca bariga ka soo weeraray magaalada. Markii hore waxay weerareen xero ciidamada ku leeyihiin afaafka hore magaalada, xoog ayayna kaga soo gudbeen. Intii uu dagaalka socday qaraxyo ayaa la maqlay.”

 

 

 

Waxa kaloo uu yiri “Waxay u soo gudbeen Bartamaha Magaalada Beled Xaawo, waxayna wax ku tuur tuureen Xarunta Degmada iyo Saldhiga, iyagii ayaana hadda magaalada haysta.”

Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, ayaa yiri “Ciidamadii magaalada ku sugnaa qaar waxay u tallaabeen xuduuda Mandheera, qaar kalena waxay u tallaabeen xuduuda Degmada Suufka ee dalka Itoobiya.”

 

Wuxuu intaa raaciyay “Saakay xaaladda magaalada way qasan tahay, rasaas ayaana la maqlaya oo ay ridayan Ciidamadii Al Shabaab ee magaalada qabsaday.”

 

Sarkaal ka tirsan Saraakiishii Jubbaland ee isaga baxday Degmada Beled Xaawo, ayaa inoo sheegay in ay ka warqabeen weerarka Al Shabaab, hase ahaatee ay xaalad dagaal uga baxeen degmadaasi, dibna ay iska soo abaabuli doonaan.

 

Dhanka kale waxaa adag in xog laga helo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarkan, degmadana waxaa ka jira xaalad hubinti la’aan ah.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in saakay ay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, iyadoona uu hakad ku yimid isu socodkii dadka iyo gaadiidkuba.

 

La-soco wixii ku soo kordha.