XOG MUHIIM AH OO KASOO KORORTAY WEERARKII AY SHABAAB KU QABSADEEN B/XAAWO...

XOG MUHIIM AH OO KASOO KORORTAY WEERARKII AY SHABAAB KU QABSADEEN B/XAAWO & TALIYE KA DAMBEEYAY IN…

56
0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii cuslaa ee lagu qaaday Saldhiga degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

 

Weerarka oo ahaa mid ay qaaday Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa shirqool loo dhigay ciidamadii ku sugnaa Saldhiga weyn Baledxaawo ee weerarka lagu laayay.

 

Waxyar ka hor inta uusan weerarka dhicin ayaa la sheegay in ciidamada lagu amray in dhammaantooda ay damiyaan teleefanada gacanka oo ay heysteen.

 

Warar soo baxayo ayaa sheegaya in amarka lagu damiyay teleefoonada uu bixiyay Taliyaha Ciidamada degmada Baledxaawo oo lagu magacaabo Rashiid kaa oo habeenkii ciidamada ku amray in dhammaan laga damiyo Taleefanada.

 

Ciidamada ayaa la sheegay in dhammaantooda Taleefanada laga damiyay, waxaana taasi ay shaki ku abuurtay Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland oo iyagu wada baaritaan.

 

Weerarka ayaa waxaa la tilmaamay in lagu laayay ciidamo aad u farabadnaa kuwaa oo tirro ahaan la xaqiijiyay inay yihiin 31 Askari.

Ciidamada ugu badan ayaa ku dhintay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhigga Ciidamada maamulka Jubbaland kuwaa oo xiliga uu Qaraxa dhacaayay ku sugnaa afafka hore ee Saldhiga.

 

Geesta kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadaasi la shirqooley , islamarkaana la doonaayo in baaritaan qoto dheer lagu sameeyay Weerarkii Baledxaawo.